HANAQAADKII HADRAAWI
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waa maansoole ka mid ah hal-abuurayaasha ugu waaweyn, uguna magaca dheer suugaanyahanka soomaalida ee casrigan. Waa hal-door aqoonyahan ah oo ku fogaadey, kuna talax-tegey oo ku dhex xasilay culuumta bulshada. Waxa uu Hadraawi ku xeel dheer yahay oo uu halkooda ugu tegey awaale-warranka iyo hoga-tuska maanseed ee dhaqan ilaalinta, hidde madhxinta iyo xaqiijinta yiqiineed ee ummadda iyo weliba ku dhaadashada dhigaalladeeda iyo qabitaannadeeda ay ku indha kuulato.
Maxamed Ibraahim Hadraawi waxa uu qiyaastii 1943-kii ku dhashay miyiga degaanka gobolka Togdheer. Aabbihii Ibraahim Warsame Siciid oo Walanwal loo yaqaanney, ayaa Alle ha u naxariistee ahaa nin laftiisu wax ka yaqaan curinta maansada Soomaalida, gaar ahaan Afarreyda. Ibraahim Walanwal waxa uu geeriyoodey sannadkii 1983. Hadraawi hooyadii Kaaha Jaamac Buux ayaa iyadu waxa ay xijaabatey naxariistii janno Ilaah ha ka waraabiyee Maxamed oo qiyaastii jira 7-8 sannadood. Hadraawi waxa la dhashay oo ay walaalo ahaayeen toddoba wiil iyo gabadh keliya, waxana maanta nool saddex ka mid ah wiilashaasi.
Ragga ay Hadraawi walaalaha yihiin ee maanta nool waxa ka mid ah Hurre Walanwal oo isaga laftiisuna ah hal-abuur maansayahan ah, caanna ka ah oo aad looga aqoonsan yahay golayaasha iyo fagaaraha hees-ciyaareedda Soomaalida, waana Hurre ninka ay ku baxday ee lagu lahaa ereyo-maanseedkan hoos ku qoran ee hal-ku-dhigga noqday:
Reeraha warkood ma qabtidoo
Waxan ahay war uma hayside
Dawliskii Walwaaleediyo
Intaan Wagered kula go'in
Ina Walanwalow joog
Waxa Hadraawi adeer u ah oo aabbihii la dhashay Axmed Warsame Siciid (Niibsan) oo ka mid ahaa Ciidankii Booliska ee Mustacmaraddii Ingiriiska ee magaalada Cadmeed. Horraantii 1950-nadii ayaa Hadraawi miyiga laga soo wareejiyey oo la keenay magaalada Cadan ee Dalka Yemen. Waxa Hadraawi magaalada Cadan loogu geeyey aayooyinkii Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur-Qaaje oo halkii Hooyadii u galay. 1954 ayaa Maxamed Ibraahim magaalada Cadan ka bilaabay Malcaamad Qur'aanka lagu barto. 1956-kiina waxa uu isla Cadan ka bilaabay waxbarashada dugsiga caadiga ah, waxanu tacliinta dugsiga sare ku idlaystey (dhammaystay) 1964 dugsigii loo yaqaanney ST. Anthony's High School oo magaalada Cadan xilligaasi ka furnaa.