Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 13

Total Visits: 3007341

Diiwaanka Hilin Hayaan

Buugaag

 
     

Diiwaanka Hilin Hayaan

By: Cabdi Muxumed Amiin
Poet Name: Cabdi Muxumed Amiin
Publisher: Iftiinka-Aqoonta.com
ISBN No: 978-91-976661-0-6  
Book Price: £8.00
Year Of Publishing: 2007
  Book Language: Somali
  Book Benefit: Taariikh, suugaan, heeso iwm

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo dalka Soomaaliya uga caan baxay hal-abuurka Sugaannta Waddaniga ah oo mar kasta ka tarjumaysa xaaladda dalka iyo nolosha dadku halka ay marayso ayaa qoraalkan wuxuu ku soo koobay dhammaan wax qabadkiisii xagga sugaanta ilaa muddo  ku siman 40 sano. Qoraalkan wuxuu hawl Faneedka Abwaan Cabdi Muxumad u kala qaadayaa Afar xilli oo taariikhda dalkeenna ka mid ah oo kala ah: 1960 – 1969,  1969 – 1981,  1981 – 1991, 1991 – 2005.

Sidaa darteed, xilli kasta Abwaanku wuxuu ka tarjumayay suugaan ahaan xaaladda markaa dalku ku sugan yahay, taasoo ah mid ka duwan Abwaaniinta kale sida ay wax u allifaan badankood. Sugaanta Cabdi Muxumad waa mid ku dhisan odhaah sahlan oo qof kasta oo Soomaali ah uu garan karo waana sugaan cabbirta dareenka dadweynaha Soomaaliyeed.

Haddii aan dib u jalleecno, waxaa istaahila in la soo qaado dhowr heesood oo caan baxay ee waqtiyadii kala duwanaa sida GEEDIGA WADAAY, MUUFO, LAND CRUISER iyo kuwo kale oo uu Abwaanku allifay markii uu dadweynuhu saluugay sida uu ugu hungoobay wixii ay dawladnimada ka sugayeen. Inkastoo Cabdi Muxumad ay heesihiisu u badan yihiin waddani haddana marmarka qaar ka marna kuwa jacaylka.

Xaalad kasta oo la joogay abwaanku wuxuu si aan leexleexad lahayn oo aan haba yaratee cabsi ku jirin uga run sheegay xaaladda dhabta ee hadba dalku marayo, Isagoo adeegsanaya awoodda Eebe siiyay ee hal-abuurnimmada ah. Cabdi Muxumad Amin waxay dowladihii dalka soo maray u taxaabeen xabsiga 1964-kii iyo 1989-kii ayadoo mar kasta dambiga lagu eedeynayay uu ahaa maxaad fekerkaaga u cabbireysaa oo macnaheedu yahay maxaad dadka u kicinayasaa. Dowladahaas gaar ahaan kii militariga ee ugu dambeeyay ma kari karin in uu muddo dheer xabsiga ku hayo, maxaa yeelay markii  la xiray dowladaas waxaa ku kacay  beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey waxa uu sheegay oo lagu xiray inay tahay wax run ah.  

Tobankii sano ee ugu dambeysay, Fannaanka weyn ee Cabdi Muxumad wuxuu door lama ilaabaan ah ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu kala qabtay meelo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. Waa dhif shir Soomaali isugu timaado oo Cabdi Muxumad uusan ka qayb qaadan. Shirarkaas sida lagu yaqaan wuxuu gelin jiray ruux wadaniyadeed iyo xamaasad qaran jacayl isagoo adeegsanaya heesihiisii caanka ahaa. Intii uu dalku ku jiray burburka, Cabdi Muxumad wuxuu sameeyay ilaa 5 Albam oo kala ah "Dareenka Fannaaniinta iyo dagaalada sokeeye, dhagax iyo dab la iskuma dhufto, qoriga dhig iyo qaranka dhis iyo Dawan iyo Allow ur u bixi" .

Heesaha dhiiga dhaqaajiya ee Cabdi Muxumad uu tiriyay markii ay bilowdeen dagaalada sokeeye 1991 waxaa ka mid ah heesta caanka ee cinwaankeedu yahay "Dalxiis kaagama  iman Dalkeygow" oo ay ku luqeyso fannaanada caanka ah ee Faaduma Qaasim Hilowle. Heestu waxay tilmaameysaa dhibta ummadda Soomaalida ka soo gaartay qaxa iyo sababta ku kaliftay inay ka qaxaan dalkooda hooyo.  Hal abuurka fanka ka sokow, Cabdi Muxumad waa nin siyaasi ah oo dhowr jeer abaabulay axsaab siyaasadeed wuxuuna hadda yahay Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Midnimada (Unity and Peace Party - UPP).

Cabdi wuxuu xubin ka ahaa Xisbigii Kulanka Dhalinyarada Soomaliy-eed ee (SYL) wuxuuna ka mid ahaa qaybta dhalinyarada ee loo yiqiin (HORSEEDKA) oo riwaayadaha ay sammeeyaan loogu deeqi jiray dhigaalka Xisbiga. Cabdi Muxumad Aamin wuxuu caan ku yahay heerarka fanka qaybihiisa kala duwan sida Heesaa, Jilaa iyo allifaadda suugaanta.

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley, Gobolka Woqooyi Galbeed taariikhdu markii ay ahayd 1935-kii wuxuuna ku soo barbaaray magaalooyinka Jigjiga, Diri-Dhabe iyo Magaalada  Muqdisho oo uu soo galay 1953. Cabdi waa iskoris noloshiisa iskii isu soo dabaray, taasina waxay gaarsiisay inuu si caadi ah u noolaado oo aan hunguri weyni lahayn.  Abwaanku wuxuu leeyahay xaas iyo 8 carruur ah.

 

<< Go Back

Buugaag Reviews

 
     
 

<< Previous Page

Next Page >>

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org