Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 13

Total Visits: 3007341

Caado iyo Carruur

Buugaag

 
     

Caado iyo Carruur

By: Maxamed-keyse
Poet Name: Qubane
Publisher: Unknown
ISBN No: 90-9020853-4  
Book Price: £10.00
Year Of Publishing: 2006
  Book Language: Somali
  Book Benefit:

Waxa jirta carruur badan oo wadankooda hooyo debedda kaga nool, afkooda hooyana aan wax badan ka aqoonnin, una baahan inay helaan waxyaabo ka caawiya dhibaatada dhinaca afka hooyo iyo dhaqanka ka haysata. Waxa kale oo jira dhibaato haysata hooyooyinka jiilka cusub, kuwaas oo ay ka maqan tahay sida ilmaha yar loola sheekaysto ee loogu abuuro kalgacalka iyo jacaylka waalidnimo. Haddaba buuggani wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii looga bixi lahaa ama loo khafiifin lahaa dhibaatooyinkaa qoyska maanta hor yaal, siiba ka qurbaha ku nool.

Dad badan oo ka mid ah aqoonyahanka dunida ayaa xaqiiqsaday in ilmaha aqoonta u leh dhaqankiisa iyo afkiisa uu dhaqan ahaan iyo waxbarasho ahaanba kaga fiicnaado ilmaha aan waxba ka ogeyn dhaqankiisa iyo afkiisa.

Haddaba buuggani casharka uu bixinayaa waa mid qofka yar ee carruurta ah u gudbinaya xog liilan oo dhadhan leh, qalbiga qofkana ku hoggaaminaysa inuu wax ka sawirto raadad ka mid ah nolosha bulshadiisa.Waxa kale oo buugga laga dareemayaa sida Soomaalidu qaniga ugu tahay maaweelooyinka iyo murtida carruurta.

Waxyaabaha buuggan ku qorani waa qaar salka ku haya caadada iyo sooyaalka soo jireenka ah ee ku wajahan  barbaarinta carruurta iyo aqoonta facaweyn ee Soomaalidii hore u lahayd korinta iyo horumarinta garaadka ubadka.

Waa hubaal in hooyadii iyo aabbihii hore uga aqoon badnaayeen waalidiinta cusub ee maanta habsami u korinta carruurta. Waxa hooyadu u sheegto ilmaha aabbuhu wuu garab joogsan jiray, hooyaduna sidoo kale kama hor iman jirin talada iyo waanada aabbaha. Sidaa darteed figradda midaysan ee waalidku waxay udub dhexaad u tahay hagista dhabta ah ee mustaqbalka ilmaha.

Caado Iyo Carruur waxa loo diyaariyey in waalidiintu adeegsato, kana dhigato saaxiib  isku soo dhaweeya ilmaha iyo waalidka.

La xidhiidh haddaad u baahato buugga
MaxamedYusuf Abdi (kayse)
Tel: (31) 638262075/31475690161
Maale22000@yahoo.com

 

<< Go Back

Buugaag Reviews

 
     
 

<< Previous Page

Next Page >>

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org