|
XOG iyo XUSUUS Dhacdooyinkii iyo Murti-taariikheedkii Halganka Siyaasadeed ee Somaliland. Qalinkii: Maxamed Sh. Ibraahim Xujaale & Tafaf-tirkii: Dhuux Digaale Ducaale.
Buuggan cusub, ee la magac baxay: XOG IYO XUSUUS, wuxuu ka hadlayaa; DHACDOOYINKII IYO MURTI-TAARIIKHEEDKII HALGANKA SIYAASADEED EE SOMALILAND. Buugga waxa qoray; Maxamed Shiikh-Ibraahim Xujaale, waana Tifaf-tirkii iyo Qaabayntii Diiwaan Studio By; Dhuux Digaale Dualeh, waa soo-saaristii Ururka AFTAHAN.
Buuggani; waxyaabo badan ayuu iftiiminayaa, balse; waxa si geesinnimo iyo xeel-dheeri ah uu qoruhu daboolka ugaga qaadayaa, xaqiiqooyinkii colaadeed ee Geeska Afrika Soomaalida dhexdeeda kaga kala dhacay; dulmigii iyo waxyaabihii la is gaadhsiiyey; gaar ahaan; waxyaabihii ka dhacay; Somaliland, laga soo bilaabo; xilligii gumeysiga. Wuxuuna ku danbaynayaa; faallayn, iyo talo-siin uu u soo jeedinayo; maammullada hadda jira, siiba kan Somaliland-ta maanta. Buuggan waxa ku duugan xog iyo dhacdooyin aad u fara badan, oo uu qoruhu qodax iyo qaniinba uga guray caddayntooda, oo haba yaraate'e wax keli ah oo la beenin karaa aanay ku jirin iwm.
WIXII FAAHFAAHIN AMA DALAB AH, WAXA LAGALA SOO XIDHIIDHI KARAA DARKAN AFTAHAN, IYO WELIBA DADKA KALA AH:- Dhuux Digale Dualeh (Diiwaan) 079 449 777 42, Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 079 038 021 39, Maxamed Baashe Xaaji-Xasan 020 779 066 11, Maxamed Shiikh-Ibraahim Xujaale 079 515 082 35. |