Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 9

Total Visits: 3004070

Hardanka Xoogaga Shisheeye ee Soomaaliya -Cabdi Yuusuf Faarax

Buugaag

 
     

Hardanka Xoogaga Shisheeye ee Soomaaliya

By:
Publisher: None
ISBN No: none  
Book Price: £10.00
Year Of Publishing: 2007
Book Language: Arabic
  Book Benefit:

Buug Cusub
Qalinkii: Cabdi Yuusuf Faarax
Waxaa dhawaan soo baxay buug cusub oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, ciwaankiisuna yahay ( Hardanka Xoogaga Shisheeye ee Soomaaliya), kaasoo si qoto fog u lafa guraya una soo bandhigaya damaca shisheeyaha ee la xiriira jiritaanka Soomaaliya, kaas oo ay saldhig markasta u ahayd rabitaanka xoogagas shisheeye oo iyagu aan marnaba doonayn in qaranimadeenu lugo adag isku taagto.
Buugan oo ku qoran luuqadda Carabiga kana kooban 250 Bog waxa uu qoruhu isagoo ka anba qaadaya taariikh siyaadeedka ( Political History ) dalka Soomaaliya fasir dhab ah oo cilmiyeysan ka bixinayaa xaaladaha haatan ka taagan dalkaas iyo kaalinta hardanka iyo kala danaysiga xoogaga caalamiga ah iyo kuwa gobleed ay ka ciyaareen burburka iyo baba'a qarankii Soomaaliya.
Qoruhu waxa uu sidoo kale hoos u qoraansanaya kaalinta damaca shaqsiyadeed ee hogamiyeyaasha Siyaasadu ay markasta kula bahoobayeen xoogaga shisheeye iyagu ku hardamyey, si ay markasta loo fashiliyo himiladii soo jireenka ahayd ee yoolkeedu ahaa in Soomaaliya gaarto midnimo iyo madax banani buuxda.
Buugu waxaa kale oo uu xog dhab ah ka bixinayaa geedi socdkii xoriyad doonka Soomaaliya, halganadii hubaysnaa iyo kuwii siyaasiga ahaa, xisbiyadii lagu danaystay, kuwii jidka xoriyadda ku taagna intaba.waxaana uu markii ugu horeysay daaha ka rogayaa xog cusub oo dhinacyadaas la xiriirta isagoo kaashanaya Docments iyo agab qoraaleed kale oo farabadan.
Shaqsiyaadka caanka ah oo aad xogta dhabta ah ka ogaan doonto waxaa ka mid ah, alaha u wada Naxariistee dadka kala ah, Aadan Cabdulle Cusmaan, Maxamed Ibrahim Cigaal, Maxamuud Xarbi, Halgamaa Xaaji Maxamed Xuseen, Maykal maryaano Cali, Xaaji Baraako, Maxamed Sh. Cusmaan (ela monde), C/laahi Ciise Maxamuud, Faarax Oomaar iyo dad kale oo tiro badan.
Waxaa uu qoruhu dadaal ku bixiyey inuu macluumaadkiisa ku fadhiisiyo xog dhab ah oo leh ila xigasho, markastana waxa uu iska fogeyey inuu u janjeersado heer hoose oo qabiil iyo gobalaysi ku fadhida oo micna dili karta xaqaaqiqa Soomaaliya ee xiliyada uu sida qotoda dheer u darsayo buugu.
Dawladaha Shiyeeye oo ku hardameyey ee uu kalintooda ka waramayo buugu waxaa ka mid ah; Dawladda mareykanka, Faransiiska, Itoobiya, Ingiriska, Talyaaniga iyo midowgii Soofyeeti, isagoo mid mid u abaaray,islamarkaasna iftiiminya dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ku kala xirnaa iyo siyasadda shisheeyahu dhica walba ka lahaa Soomaaliya.
Hadaba Maktabadaha iyo shakhsiyaadka danaynaya in ay qaybiyaan oo ay iibiyaan buugan waxay la xiriiri karaan qoraha
Cabdi Yuusuf Faarax
 

<< Go Back

Buugaag Reviews

 
     
 

<< Previous Page

Next Page >>

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org