KITAAB CUSUB
ISDAAHIRINTA MUSLINKA; SU´AALO IYO JAWAABO
Qoraa: Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
ISBN: 978-91-976662-9-9
Tirada bogagga: 116 bog
Soo baxay: 2007-07-01
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay baa mahad leh. Nebi Muxammed korkiisa naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato. Intaa dabadeed:
Waxa soo baxay kitaab cusub oo afsoomaali ah, kana hadlaya sida qofka muslinka ahi isu daahirinayo. Kitaabkan waxaa loogu talo galay inuu noqdo qaybtii labaad ee kitaabbo is daba socon doona oo ka hadlaya diinta islaamka. Waxaa hore u faafay kitaabkii koowaad ee ciwaankiisu ahaa; Caqiidada islaamka; su´aalo iyo jawaabo.
Qaabka kitaabkani u qoran yahay waa hab su’aal iyo jawaab ah. Wuxuu ka koobanyahay 220 su’aalood iyo jawaabahooda oo si kooban u dhigan . Waa hab xiiso badan oo soo jiidan kara dareenka akhristaha isla markaana aan lagu daalahayn.
Ujeedada kitaabkan loo qoray waa in bulshada afsoomaaliga ku hadasha loo soo dhaweeyo barashada iyo fahanka diinta islaamka.
”Isdaahirinta muslinka, Su’aalo iyo jawaabo”, waxa ku qoran casharro koobaya axkaamta dahaarada ee ay tahay in aanu moogaanin qof muslim ahi. Waa kitaab kooban xaddi ahaan balse koobsanaya nuxur badan oo qofku u baahanayo maalin kasta, noloshiisa oo dhan. Waxa uu u qaybsan yahay16 qaybood oo kala ah:
-
Daahirnimadu diinta waa ka badh;
-
-
Biyaha la isku daahirin karo
-
Weelka loo isticmaali karo isdaahirinta
-
Nijaasta la iska daahirinayo
-
Gudashada baahida musqusha
-
Iska daahirinta baahida musqusha (istijada)
-
-
Waxyaalaha waysada jebiya:
-
Masaxidda khufka, duubka madaxa iyo kabniinka
-
-
Maydhashada iyo sababaha kellifa
-
-
-
-
Dhiigga dhalmada (nifaaska)
HADDII AAD RABTO IN AAD HESHO LA SOO XIDHIIDH:
-
Qoraaga buugga oo ah Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir).
Email: abdibashir@hotmail.com
|