Ururka Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta

Tusmo

Shopping Cart

Items In Cart:

Total Amount: £ 0.00

View Cart Contents

Checkout & Pay

Wararka

» Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale

» Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

View All..  

Reviews

»  KOR-KA-XAADINTA XOG
Dhulalka ay Soomaalidu degto, dhibaatooyin laxaad leh oo aan la soo koobi karin ayaa ka dhacay; ha sii kala darraadeene; kuwo ay iyadu isu geysatey, i Read More..

»  Aanadii Nageeye - Sh
Aanadii nageeye sheeko falanqayntii ay mudnayd aan helin: Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa sheekadii nageeye qayb kale oo aan kaga hadlayno sheeka Read More..

Galleries


Dhaqan

View All..  

Xubin noqo

 

Name

 

Country

 

 

Email

 

 

Taariikh


Tog-dheer footballer

View All..  

Tirakoob

Online Visitors: 12

Total Visits: 3007341

Mahadhada & Waxqabadka Gaarriye

Buugaag

 
     

Mahadhada iyo Waxqabadka Gaarriye

By: Cabdiraxmaan-barwaaqo
Poet Name: Gaarriye
Publisher: unknown
ISBN No: 978-0-9699009-4-8  
Book Price: £13.00
Year Of Publishing: 2007
  Book Language: Somali
  Book Benefit: 284 bog

Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'


Buuggii beryahaaba

la bilkeedinayaanu

bandhigiisa wadnaaye

bi'iwaaye ha seegin!

Oo waa buuggee?

Ee buuggii u horreeyey ee si cilmiyeysan looga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxa haddaba iswey-diin leh: Muxuu buuggani kaga duwan yahay kuwii Abwaannada kale laga qoray? Waydiintaasi aqoonyahanno badan baa durba ka warceliyey.  Bal dhawr ka mid ah aan soo qaadanno wixii ay ka  yidhaahdeen:

A."Marka la eego sida ku-hadalka iyo ku-faanka afka Soomaaligu ugu sii yaraanayo Soomaalida qorbajoogga ah, iyo xataa sida Soomaalida ku nool dalalka Soomaaliga lagaga hadli jirey ay u doorbidayaan in ay afaf kale ku hadlaan ama wax ku qoraan, waxa cad in af Soomaaliga ay ka muuqato astaamihii afafka khatarta ku jira. Haddii aan loo gurmanna, af Soomaaligu waxa uu ku biiri doonaa afafka lumaya. Buuggan la magac baxay Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax "Barwaaqo" wax weyn ayuu ka tari doonaa sidii loo hakin lahaa khatarta ku soo socota afka Soomaaliga. Markii aan akhriyey miisaanka suugaanta ee "Gaarriye" iyo gabayadiisa, iyo faahfaahinta qoraha buugga, waxaaba markii ugu horraysay igu soo dhacday in aan baran karo sida loo gabyo oo aan weliba gabayaa noqon karo. Waxa aan filayaa in akhristayaasha buuggani ay iiga markhaatiniqi doonaan dareenkaas. Aad baan ugu mahadinayaa Cabdiraxmaan "Barwaaqo" qoridda buuggan faa'iidada badan leh."

Dr. Hussein Ahmed Warsame

Accounting Area Chairman

Haskayne School of Business

University of Calgary, Canada

                                                                           B."Buuggani waa mid si yaab leh u waydaaartay hab dhigaalkii iyo sargooyadii looga bartay buugaagtii hore. Wuxuu ka baydhay qaabkii buugga u qoondaynaysey inuu ku habboonaado qaamuus ahaan ama si raadraaceed  uun loogu adeegsanlahaa. Waa  buug furaya irrid cusub oo fursad kuu siinaya in aad si cilmiyeysan u  barankarto  maansooyinka Gaarriye  iyo kuwa kaleba. Qaabkan lafoguridda maansadu waa arrin hor leh, waana qaab doodeed habaysan. Waannu ku hanbalyeynaynaa Barwaaqo u heellanaanta dayactirka  af Soomaaliga iyo qorista buugganba."

Fu'aad Sh. Abu Bakar                                              

Bahda Mareegta Farshaxan                                            

Milwaki, USA

C.  "Maxammad Xaashi Dhamac (Gaarriye) has the unique distinction in Somali literature of being both a poet and a scholar, which is a blessing for Somali literature. But it poses a challenge for anyone who tries to do justice to Gaarriye's works because that person is required to be able to handle both Gaarriye's poetry and scholarly output. In his insightful and multi-layered book "Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac"  Mr. Barwaaqo has met the challenge. This book is an excellent introduction to Gaarriye's poetics. It is illuminating and a pleasure to read."

                                                                         Jamaal Cabdi Gaboobe,

Seattle, Washington University, USA
 
Maxay aqoonyahannadu ka yidhaahdeen "Gaarriye" laftiisa?

A. "Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" waa aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed, waana Al- Khaliilka Soomaalida."

Dr. Martin Orwin

School of Oriental & African Studies,

London, UK.

B."Gaarriye waa labada gabayaa ee Soomaaliyeed ee ugu waaweyn kuwa hadda nool mid ka

mid ah. Waa gabayaa wax weyn ka taray casriyeynta maansada Soomaaliyeed. Waana caalim

qoto dheer leh oo ka sal gaadhay habka maansada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay."

Dr. Georgi Kapchits

Moscow University, Moscow

Russia


Qore: Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo"

Soosaare: Hal-aqoon publishers

Afka: Soomaali

Daabacaaddii: 1aad

Gu'ga uu soobaxay: 2007da.

Qiimaha:  US$22.71

Inta bog ee uu yahay: 284 bog

Jimidhka: 6x9 xubnood

ISBN: 978-0-9699009-4-8


Weydiintu waa sidee loo helayaa ama halkee laga helayaa?


Qiimaha iyo sida aad u dalbanaysaba halkan ka eeg:


www.lulu.com/content/1258375

 

<< Go Back

Buugaag Reviews

 
     
 

<< Previous Page

Next Page >>

Raadin

Maxaa Cusub

Buugaag



HAL AAN TEBAYEY
Price: £10.00



Habka Soomaalidu Gee
Price: £10.00

View All..   

Warside



Quraanka Kariimka ah

View All..   

Calendar

September, 2010
SuMT WThFS
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930

Aftahan.org