|
MAHAD-NAQ.
Ururka Aftahan, wuxuu u mahad celinayaa, dadkii gacanta ka geystey, horu-marinta darkan iyo hir-gelinta hawlaha Ururka Aftahan. Kuwaas oo aan magacyadooda halkan lagu soo koobi karin. Waxa aan si gaar ah ugu sii mahad celineynaa intii hawsha dibu-habaynta darkan Aftahan lagu gudo jirey, intii karaankooda maal iyo maskaxba noogu deeqday, iyo intii ka qayb qaadatay hawshii qaadhaan-ururinta iwm. Kuwaas oo noo muujiyey, weji gacalnimo, daacadnimo, gacan deeqsinimo iwm. Gaar ahaan; dadkaas waxa ka mid ah:
Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahad celinaynaa Shirkadda Dahab-shiil oo nagu kaalmaysay kala-badh lacagtii darkan lagu sameeyey. Shirkadda Dahab-shiil ma aha markii ugu horreysey ee ay Ururka Aftahan lacag ugu deeqdo, mana noqon doonto markii ugu dambeysey [insha Allaah]. Waa shirkad u darban dib u-soo noolaynta dhaqanka iyo suugaanta ummadda, lana shaqaysa ururrada bulshada oo idil, ee Ururkan Aftahan ka mid yahay.
|