|
Waraysi - Qoraaga caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale
Mudane, Boobe Yuusuf Ducaale, waa qoraa, halgamaa, taariikh-yahan, dhaqan-yahan laga yaqaanno deegaanka soomaalidu degto oo dhan. Buugga la magacbaxay “Diiwaanka Maansada Timacadde” oo uu qoray Boobe Y Ducale ayaa loo aqoonsaday buugga sannadka 2006. Aqoonsiga loo aqoonsaday buugga sannadka 2006 awgeed ayey mareegta www.qoraaga.com wax ka weydiisey qoraaga buugga sannadka. Waraysigiina waa kan:
1.Su’aal, Sannadkii 2006 ayaad soo saartay buugga la magacbaxay “Diiwaanka MaansadiiTimacadde” buuggaas oo Ururka Qoraaga Somaliland ay u aqoonsadeen buuggii sannadka. Doorashada loo doortay buugga Diiwaanka Maansada Timacadde, buuggii sannadka 2006. Sidee ayaad u aragtaa ama sharraxaad kooban naga sii dareenka aad ka qaadatay, markii lagu soo wargeliyey in buuggii aa qortay noqday buuggii sannadka?.
Jawaab. Dareen san. Ididiilo ku dheehan tahay. Mustaqbal iyo dhiirri-gelin. Bogaadin iyo hanbalyo. Waxaan u qaatay in aad qiimayseen naf-hurkii iyo dal-dad-jacaylkii Timacadde. Waxaan u qaatay in aad qiimayseen dedaalkii dheeraa ee aan riyadan Diiwaanka ku xaqiijiyay oo aan soo bilaabay 1971kii, hadba si aan uga hawl-galaba. Qiimayn iyo qaddarin aan la malayn karin ayaan u qaatay. Baraarujin iyo dhirri-gelin ayaan u qaatay. Hurdo dheer in laga soo kacay oo la bilaabay in la is-qiimeeyo ayaan u qaatay. Waxa xiskayga ku soo dhacayay inta mudan abaal-marin tan oo kale ah. Kolleyba waxaanu go’aansannay in aanu Akaademiga (Akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland) sannadkiiba mar abaal-marin ka bixinno. Sidii uu Gaarriye u dhigay waxaan u qaatay in garoonkii lagu ciyaarayay laba birood oo kuwii goolasha ah la dhigay oo hadda la garan karayo cidda gool dhalisay. Waan idiin ka mahad-celinayaa.
2. Su’aal, Waxaad ka mid tahay qorayaasha soomaaliyeed ee farakutiriska ah. Islamarkaana haya diwaanno aad u farabadan. Tusaale ahaan dhanka taariikhda, dhaqanka, suugaanta iyo waxyaabo kale oo bulshada u muhiim ah. Ilaa iminka ma diyaarisay buugaag xanbaarsan diiwaannada ay dadka badidiisu kugu tuhunsanyihiin inaad hayso.
Jawaab. Waxaan ku rajo weynahay in aanan dadka waxba kaga bakhaylin. Ilaa laba… saddex kolleyba waan soo wadaa. Waxa igu yar dheeraan doona: “Dharaaraa na soo maray” oo halgankii hubeysnaa ku saabsan oo waxoogaa waqti iyo baadhisba iiga baahan. Inta qof yeeli karo iyo filashada ayaa kala badan, fallaadhina gilgilasho kaagama go’do. Waxaan ku talo-gashonaa in aan qoro xusuustaydii qofnimo ee halgankii hubeysnaa, bal se markaan filashada arkay waxay ila noqotay in ku-talo-galka iyo aragtidaba durkiyo ilaa inta aan ka gaadhi karo. Ilaahay iguma xilo, idinkuna ii soo duceeya.
3. Su’aal. Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde ee soo baxay sannadkii 2006. Waxa ka horreeyey buug aad soo saartay 1983-kii oo la odhan jiray “Maansadii Timacadde. Bal faahfaahin naga sii buuggaa hore iyo kan aad sannadkii hore soo saartay, waxay ku kala duwanyihiin.
Jawaab. Buuggii hore ee Timacadde (1st edition of 1983) waxa ku jiray 54 maanso. Daabacaaddan 2aad ee 2006-da waxa ku jira 126 maanso iyo taariikh-nololeedkii Timacadde oo tifaf-tiran. Labada Buug waxa u dhexeeyay 24 sannadood, waxaana ku jira Daabacaaddan 2aad waayo-aragnimo iyo aqoonba intii ii korodhay. Diiwaankan labaad wuxu leeyahay hordhacyo taariikhiya oo kala qaybiya marxaladaha aan u qaybiyay maansada Timacadde.
4. Su’aal. buugga sannadkan aad soo saartay ee magaciisa la yidhaahdo “Dhaxalreeb: Horaad”. Bal marka hore warbixin naga sii waxa uu ku saabsanyahay?.
Jawaab. Buugga sannadkan aan soo saaray oo aan ugu wanqalay Dhaxal-reeb: Horaad, 517 pages. Si kooban haddaan u dhigo waa maqaalladaydii aan wargeysyada ku soo saari jiray: Meey 2002dii ilaa Diisambar 2006kii, waxaana ka maqan dhowr maqaal oo buuggu qaadi waayay. Kharashkii daabacaadda awgii ayaan uga saaray, kuwaas oo soo geli doona Dhaxal-reeb: Danbeed oo aan isna ku ururin doono qormooyinkayga danbe iyo kan hore wixii ka hadhsanaa. Dhaxal-reeb: Horaad docda kale diyaar-garow aan buugaagta kale ugu diyaar-garoobayna wuu ii ahaa.
5. Su’aal. Wax ma nooga sheegi kartaa waxyaabaha ugu adag ee ka horyimaadda qoraaga soomaaliyeed. Gaar ahaan marka qoraagu doonayo in uu buug soo saaro?.Jawaab. Waxyaabaha qoraaga Soomaaliyeed ka hor yimaadda marka uu doonayo in uu Buug soo saaro? Xanaf iyo xadaafiir wuxu qoraalku lahaa markuu Qoraagu ka soo doogo, wuxu haddana gelayaa illimo awdan oo ah daabacaaddii, qaybintii iyo iibintii oo aan laga gayoonayn. Qoraalku waa salleello markay daabacaadda iyo iibinta timaaddo. Qoraalku adiga ayaabu kugu xidhan yahay, bal ka warran markaad lacagba u weydo ama cid iibisaba ama iibsataba weydo, marka qof waliba ku yidhaahdo copy I sii.
6. Su’aal. Waxaad mooddaa in soomaalidu ay kaga duwan-tahay dhinaca qoraalka bulsho-weynta adduunka. Tusaale, bulshada adduunka waxa caadi ah in qofkastaa (Qoraa iyo mid aan qoraa ahaynba) uu qoro dhacdooyinka waaweyn ee soo mara, xataa dhacdooyin yaryar oo noloshiisa soo maray. Waxa kale oo aad u badan in qofkasta oo maamul soo maraa uu ka qoro buug, maamulkii uu soo maray iyo wixii uu la soo kulmay. Soomaalida oo ilaa maanta dhacdooyinka soo maray aan la koobi karin, ilaa la dagaallankii nidaamkii Siyaad Barre ilaa maanta. Ma jiro, ama aad ayey u kooban tahay buuggaga laga qoray. Anigoo soo koobaya su’aasha maxaad u malaynaysaa inay u sabab tahay qoraal la’aanta soomaalidu ka simantahay?.
Jawaab. Qoraalku waa dhaqan, innaguna ummad raacato ah ayaynu ka soo jeednaa. Bal afkeenna u fiirso ereyada qoraalka iyo akhriska la xidhiidhaa waa ku naadir iyo dhif. Cilmigii iyo aqoontii ayaynu wax-barasho ugu yeedhnay. Ereyga akhris waa inagu laaji oo afka carabiga ayaynu ka soo amaahannay. Qoraalku fadhi iyo samir ayuu doonayaa. Adkaysi iyo baadhis ayuu doonayaa. Joogtayn iyo ka-hadhid la’aan ayuu doonayaa. Raad-raac iyo sugid ayuu doonayaa. Dhaqankeenna oo aynu beddello ayuu doonayaa. Bal u fiirsada sida aynu u neceb nahay dadka mefrishyada wax ku akhriya ama ku qora. Aad ayaa loo dhibsadaa. Bal guryaheenna u fiirsada siday buugaagta uga arradan yihiin iyo sida weelka aan waxba lagu falin loogu sharxo. Waa inta haysata ama awoodda. Geeddiyaal badan in aynu guurro ayaynu u baahan nahay. Waayihii wax lagu qorayay in aynu samayno ayaynu baahan nahay. Waayahaas ayaan xataa jirin. Sidaad keli ku noqon lahayd ayaa iska adagba. Waxaan aad uga noolaaday dooddiinnii qoraalka iyo dhibaatooyinka ka taagan, markii aad Billadda xafladda u samayseen. Waan idin ku hanbalyaynayaa. Meel aanan weligay ka joogsan ayaad ka joogsateen.
7. Su’aal. Ugu danbayn talo iyo tusaale maxaad siin lahayd bahda xiisaysa qoraalka ee jecel in ay soo saaraan buug ama buugaag-ba?.
Jawaab. Waxa iga dardaaran ah dhibaatooyinka qoraal-yaraanta ka taagan meel ha looga soo wada jeesto. Far keliyi fool ma dhaqdo, qofba yaanu meel ku dawikhin, maantana culayska ha la saaro Daabacaadda iyo Qaybinta iyo iibinta wixii laga yeeli lahaa.
Mareegta Qoraagu waxay kaaga mahadcelinaysaa, wakhtiga aad siisay inaad ka warceliso dhammaan weydiimihii ay shebekadda qoraagu kuu soo gudbisay. www.qoraaga.com
Xigasho: qarannews.com
Suldaan Jaamac |