|
XIJAAS: (Maanso) Axmed Saleebaan Xirsi.
Maanso wax ka taabanaysa, ama wax ka iftiiminaysa xaqa waalidka, gaar ahaan kaalmaha kala duwan ee hooyadu ilmaha la soo marto. Kaalmahaas oo ay habboon tahay, in qofku markuu weynaado uu beddelkooda u gudo waalidkiis. Kolleyba kaalmahaas lama dhammays tiri karo, oo xaqa waalidka wax u dhigma oo beddelkiisa ah lama heli karo, balse maansadu waxay tilmaamaysaa, in ugu-yaraan Xajka lagula tuntuusado hooyada, amaba waalidka, kaas oo ah hammiga ugu weyn, ee waalid kasta oo muslim ahi ubadkiisa ka fisho.
Haddaba maansada oo abwaanku u bixiyey Xijaas, waxay tidhi sidan soo socota, ee akhris wacan.
Hooyooy mar aan xalay Xaqaad iga mudnayd iyo Xusuustaadii daba galay, Anoon kuba xisaabtamin Xaajada muggeediyo Inaan xaashi iyo qalin Midna lagu xasilin karin, Ha yeeshee xusuustiyo Dhegta xigashadeedii Xogtii aan ka maalaan Hooyooy xuskaagiyo Xushmad kuugu daabacay.
Maalmihii xanjeerkiyo Qaydkiyo xanbaarkii Markaan xoolka jiifeen Xuubkiyo cadka ahaa Xoorkaad i-siisiyo Xeel-dheeridaadii Kolkaan soo xusuustaba Xaaddaa i-booddoo Sidaad iigu xaydnayd Xanuunkii Ku-soomaray Ma xisaabin karayee, Hooyooy xannaankiyo Xaasaamintaadaan Xooggaa ku yeeshee, Haddaan xiisahaagiyo Xubeerkaaga waayoo Xirfad aanad ii habin Miyaan xay ahaan laa Sow maan xijaabteen!
In kastoon xuquuqdiyo Xilka waalid leeyahay Gabay lagu xadeyn karin, Ha yeeshee xiskaygiyo Intuu xarafku ii jaray Baan kugu xaq-dhawroo Xeerin kaaga dhigayaa.
Markaan xaynka diriciyo Xagashaada haystee Xifaalaha adduunkiyo Xisaabteeda aakhiro Xagar igaga oodnaa, Hooyooy xogtaadiyo Xigmaddaad i-siisaa Xayndaabka noloshiyo Xaqa ii iftiinshoo Xil-kas aan la-hurin iyo Xeer-beegti iga dhigay.
Jahli waa xajiin iyo Uskag iyo xayaabee Xila-saamadkaan ahay Haddaanaad i-xalinoo Xiisadaa iskuulkiyo Diinta xarakadeedii Xa'da macallin ii dhiga Hooyo aanad igu xidhin Miyaan caawa Xaaq iyo Xaammiim fasiri laa!
Intaad dunida xay tahay Haddii aan xariir iyo Dahab kugu xijaabana Xaqaagii ma gudayee, Jeer oon Xijaas iyo Xaramkii ILaahay Xajka cagaha kuu dhigo Xaakinkeennu kuma dilo, Kaa xishootay geeridu.
Xaqse mawdku weeyoo Xilli ay ahaataba Xabaal lama huraayee Aakhira xumaan iyo Hooyo xoloddo naareed Rabbi kaa xoreeyoo Xawlkii Rasuulkiyo Jannadii xisaab-li'i Inta lagu xormeeyee Ku xeroota kaa yeel.
AAMMIIN – AAMMIIN – AAMMIIN.
Axmed Saleebaan Xirsi biso04@hotmail.com Suudaan - Khartoum.
|