|
SAMA-TALIS: (Gabay). Maxamed Axmed Jaamac (Kuluc).
SIINLEYDA 4aad: 10/11/2009
Sifaha gabay abwaannada sidoow, waad ku saxantiine Salaan iyo waxaad leedihiin, soo-dhaweyn mudane Siinleey haddii aad furteen, waa sidaan rabaye, Sirta hadalka suugaanta gabay, sowdka iyo luuqda Aan sifeeyo caawoo kaluu, siinad leeyahaye.
Soomaali waan wada og nahay, seebka ay tahaye Sixir iyo mariiq iyo hadduu, saxalku uu haysto Haddii suuraddoodiyo wakhtigan, suulay magacoodu Sakatiga colaaddiyo dilkiyo, sumucna gaagaabshey Hadday maatidii silicsantoo, soolka ku asqowdey Allaha saatiraan u barinnee, samo ha gaadhsiiyo.
Sifo kalena waan ka hadlayaa, si ad u fahantaane Sokeeyaha haddii aad dhibtiyo, sama- wadeenkaaga Haddii aad sagsaag iyo xumaan, siidhi ku afuufto In belaayo sahaydaada noqon, waa mid aad sugiye, Sowdka koonfureed tay dhigeen, hele sawaabkiiye Annagana allaha Saatirki'i, wuu na-saacidaye Soomaalilaan noo hir geli, socotadeediiye Saylac iyo ilaa Xiis haddaan, samo ku naallaaye Iminkaan sar iyo fooq ka simay, suuqyadii Herere Safarrada adduunyada haddaan, samo u gooshnaaye Iminkaa Suweys lagu meteley, Saaxil iyo Maydhe Sarrifkiyo hadduu dahabku yaal, suuqa laammiga'e Aan saaqid boobiyo la-arag, tuug sagsaag wada'e, Soomaalilaan waa ammaan, waana loo saxaye Saaxiibkay Muusoow ma garan, sidaad wax leedahay.
Suugaan haddaad tirinaysoo, suuqa lagu baahsho Sulux iyo wanaag baa murtida, lagu sameeyaaye Sawdka hadalka kii aan saxnayan, waa sun iyo booge Sadarrada bal eeg ina Caloow, hadalkan kaa siibtey.
Waxaad tidhi samaan looma ledo, suuqyadii Herere Waxaad tidhi Burcaa loo safnaa, saanjad roodhiyahe Waxaad tidhi marsadii Saaxil waa, Saylac oo kale'e Waxaad tidhi Saraar iyo Togdheer, saalo laga waaye Waxaad tidhi safriyo lagama raro, sogobyo waaweyne Soofkii ka madhey baad na-tidhi, Soolal iyo Cayne Waxaad tidhi sabaan baa ku dhacay, Awdal oo simaye Waxaad tidhi sartii qudhuntay baan, saani u arkaaye Safaf xaydan baad sheegtay aan, lagu samaanayne Waxaad tidhi kuwii talada sidey, sooma bay dhalane Sebi qarana baad sheegtay oon, samada dhafayne, Toban iyo sagaal sano ayuu, calanku saarnaaye Hadmuu socon, hadmuu sebi ka bixi, waa suu'aal furane?
Sarbeebaha aduun baa caddayn, saad u leedahaye Samir iyo dul-qaad baa wakhtigan, laysku soo simaye Soomaalilaan waxay rabtaa, saani iyo toose Wax kastoo sursuur gelinayana, way la socotaaye In kastoo saluug uu jiriyo, maamul socon waayey In kastoo sidii loo dhacsaday, layska kala seexday In kastoo sibraarrada cammiran, soofka laga buuxshey In kastoo samaantiyo nimcada, Saatir nagu beegay In kastoo sabuul caydhnimiyo, silic na-loo diidey Weli shacabku waa soomman yahay, waanu sugayaaye Sebigiyo carruuruhu ma dhamin, caanihii Sulube Kuwii talada loo saanyadaa, seegay marinkiiye, Sidii socod socdaal geeddiyeey, siigo kiciyeene Waxse Saatir qoray iga-Wallaan, cidi saluugteene Sirta gudaha waa khalad qofkii, dibedda siiyaaye Suugaan in lagu faafiyaa, seebka kuma taalle, Hadday qaar sagsaag yara faleen, talona ay seegtay Ha sahwiyin dar kale oo saxoo, saaniyaa imane.
Dadku waa sokeeyiyo tol iyo, siidh walaala ahe Xumaha suuli samahana ka tali, saanina u waani.
ALLAA MAHAD LEH. Maxamed Axmed Jaamac (Kuluc). E-Mail: cismaanblack22@hotmail.com Hargeysa - Somaliland. |