|
Qoraha buugga Caafimaadka Aasaasiga ahi waxaa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxaana uu dagana yahay cariga Maraykanka Gobalka Ohio, isaga oo halkaa arday ka ah qaybta dhakhtarnimada. Waxa uu imaka u shaqeeyaa laba cusbitaal oo ku yaal magaaladaas.
Waxa uuna hore ugu soo shaqeeyey American Red Cross, The Ohio State University Hospital, Ohio Health. Horana waxa uu u qoray buug layidhaa Buugga Caafimaadka. Mustaqbalkana waxa uu damacsan yahay in uu buuggan laba sanno kadib dib u soo saari doono haddii alle idmo isaga oo aad ka heli doonto wax kasta oo aad caafimaad uga baahan tahay. |